Kusoo dhawoow MOQOR
Free Call 46-7372-81289

Barashada Naxwaha Af Soomaaliga

(1 customer review)

$29.00

INNARITA PUGLIELLI maaddada cilmi-afeedka ayay bare sare ka ahayd Jaamacadda Roma 1 “La Sapienza”, kaddib waxay u soo wareegtay Jaamacadda Roma Tre oo markaas la aasaasay. Waxay xubin ka ahayd Guddigii Farsamada ee u qaabilsanaa qaybta afafka ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed intii u dhexaysey sanadihii 1977 ilaa 1990. Waxay ku guulaysatay in Jaamacadda Roma Tre manhajkeeda uu ka mid noqdo maaddo u gaar ah afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxay isla jaamacaddaas gudaheeda ka hirgelisay dhismaha Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed (Centro Studi Somali) oo iyadu ay madax ka tahay.

Description

ANNARITA PUGLIELLI maaddada cilmi-afeedka ayay bare sare ka ahayd Jaamacadda Roma 1 “La Sapienza”, kaddib waxay u soo wareegtay Jaamacadda Roma Tre oo markaas la aasaasay. Waxay xubin ka ahayd Guddigii Farsamada ee u qaabilsanaa qaybta afafka ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed intii u dhexaysey sanadihii 1977 ilaa 1990. Waxay ku guulaysatay in Jaamacadda Roma Tre manhajkeeda uu ka mid noqdo maaddo u gaar ah afka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxay isla jaamacaddaas gudaheeda ka hirgelisay dhismaha Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed (Centro Studi Somali) oo iyadu ay madax ka tahay. Waxay soo saartay qoraallo fara badan oo ku saabsan af Soomaaliga, waxay kaloo madax ka ahayd soo saariddii laba qaamuus oo waaweyn oo af Soomaaliga ku saabsan oo kala ah: Qaamuus Soomaali-Talyaani (1985) iyo Qaamuus Talyaani-Soomaali (1998), “Barashada Naxwaha Af Soomaaliga” (1999, 2017). Cabdala Cumar Mansur oo takhasuskiisu yahay cilmiga luqadaha iyo dhaqanka, wuxuu bare sare ka ahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed muddadii u dhexaysay 1976-1990, gaar ahaan maaddada Kushitistigga ayuu ka dhigaayay kulliyaddii afafka. Isla muddadaas wuxuu madax ka ahaa waaxdii af Talyaaniga, halkaasoo ardayda jaamacadda soo gasha oo idil lagu diyaarin jirey inta aysan kulliyadaha kala duwan u kala gudbin. Wixii ka dambeeyay 1990kii dalka Talyaaniga ayuu u wareegey, halkaas ayuuna ka sii waday cilmibaaristii Soomaaliyeed, isagoo la shaqaynaaya aqoonyahannadii ay horay u wada haayeen hawshaas, ilaa haatanna sidii ayay u wada shaqeeyaan. Wuxuu xubin firfircoon ka yahay Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed ee Roma. Jaamacadda Roma Tre ayuu dhowr iyo toban sano ka ahaa bare sare oo dhiga afafka Carabiga iyo Soomaaliga. Wuxuu qoray qoraallo badan oo ku saabsan afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, sida “Barashada Naxwaha Af Soomaaliga” (1999, 2017), iyo “Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed” (2009, 2016).

1 review for Barashada Naxwaha Af Soomaaliga

  1. bronskiy

    cool novel

Add a review

Your email address will not be published. Required fields are marked *