Description
Waxqabadka akhriskiisu hadda ina hor yaal waa tarjumaadda buugga caanka ah ee The First Footsteps in East Africa ee uu muddo laba qarni ku dhawaad laga joogo qoray qoraagii iyo dalmareenkii caanka ahaa ee Richard Francis Burton. Waa xogwarran taxan oo uu kaga warramayay socdaal dalmar caan ahaa oo sannadkii 1854 uu ku maray qaybo ka mid Carriga Soomaaliyeed, isaga oo ku sii jeeday magaalada Harar oo ujeedkiisa guud ahayd waagaa. Buuggan The First Footsteps in East Africa ee magaciisa tarjumaadda aan uu baxshay Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika waa mid ay ka buuxaan xogo badan oo uu qoraagu kaga warramayo dadkii iyo dalkii uu dhex marayay intii uu socdaalkiisa dheer ku jiray. Intaa marka laga yimaado, Richard Burton waxa uu sidii ay maanta tahay inoo hor dhigayaa xaalkii dad iyo dal lagu sugnaa waagaa. Dad, deegaan, af, dhaqan, dhaqaale, siyaasad, dalmar, dalxiis, aftahannimo iyo suugaan, intaa iyo ino dheer ayuu na tusayaa. Haddaba, maxaynnu ka baran karnaa warbixintan uu dalmarkii Richard Burton ku tiiqtiiqsaday? Shalaydayadaa uu ka warramayo iyo maantadayadan aan akhrinaynno maxaa isaga xiran, isaga eg, ama ay ku kala duwanyihiin, dhan laga eegaba? Maxaa ka run ahaa ama haddii ay jireen iska beddelay waxyaalihii uu Richard Burton berigaa arkay, maqlay, dabadeedna buuggiisa ku soo tebiyay? Wayddiimahaa iyo kuwo ka badan oo laga dheehan karo buuggan ayaa jawaabahoodu ay ku habboonyihiin in akhristeyaasha lagu aammino oo loo daayo. Waa markii ugu horaysay ee sooyaalkan buug ahaan loogu tarjumo Af Soomaali, iyada oo lagu daray faafaahino dheeraad ah oo ku saabsan warbixintii Richard Burton uu buuggiisa ku qoray. Ugu dambayn, waa guul inteeda le’eg in aynnu maanta af Soomaali ku akhrin karno warbixintii dheerayd ee Richard Burton uu ku dhigay buuggiisa The First Footsteps in East Africa.
Please wait while flipbook is loading. For more related info, FAQs and issues please refer to DearFlip WordPress Flipbook Plugin Help documentation.
Reviews
There are no reviews yet.