Skip to content Skip to footer

Kalahaadkii Muqdisho

Author: Yuusuf Maxamad Xayd

$12.00$21.00

Xusuusaha Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya 1991 (Somali Edition)

Additional information

Publisher

Garanuug

Year of Publishing

2018

Number of pages

226

ISBN

‎ 0995753342

Format

Online Book, Paper Book

SKU: N/A Categories: , Tag: Product ID: 2340

Description

Kalahaadkii Muqdisho waa xusuusreeb goobjoobe. Buuggani waxa uu ku saabsan yahay xusuusaha uu qoraagu markhaatiga ka ahaa ee bilowgii Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya iyo saamayntii ba’nayd ee naf iyo maalba galaafatay ee uu ku yeeshay magaalada Muqdisho iyo dadkii deggenaa. Waxa uu qoraagu akhristaha dhex joojinayaa Muqdisho, magaalamadaxda Soomaaliya, oo xilligaa dagaal lagu hoobtay oo isaga oo kale aan hore loo arag uu ka bilowday. Dad iyo duunyaba muddo gaaban ayaa silic iyo saxariiraha laga waraabshay. Sharaftii, bilicdii, iyo nabadgelyadii ay Muqdisho lahayd ayaa sidii in aanay waligeedba intaa midna yeelan loo rogay. Taliskii xukunka ku dhegganaa ee Soomaaliya iyo jabhado ay muddo isku marnaayeen ayaa ugu dambayn magaalamadaxdii ummadda isla soo galay oo dagaal aan xeer iyo xigaalo midna dhowrayn magaaladii la isku la galgashay. Muddo gaaban gudaheed ayaa uu dagaalkii dawladda iyo jabhadaha u dhexeeyay weji qabiil oo foolxun la soo baxay, ka dib markii canaasiir dagaal-oogayaal ahaa oo labada dhinac ka socday ay danahooda gurracan ka dhex arkeen in ay dadkii magaalada wada degganaa qabiilba mid kale qaniinsiiyaan, derisba mid kale ku diraan, dhismayaashii magaalada burburiyaan, hantidii qaranka iyo tii gaar ahaaneedna la boobo.

About the Author

Mudane Yuusuf Maxamad Xayd waxa uu sannadkii 1947 ku dhashay degaanka Hawd, meel u dhow magaalada Wardheer. Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo sare waxa uu ku kala qaatay Harar iyo Adis Ababa. Sannadkii 1970 ayaa uu u guuray magaalada Muqdisho. Waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ku takhasusay taariikhda iyo afka Ingiriisiga, heerka labaadna Daraasaadka Afrikaanka ayaa uu ku takhasusay. Waxaa kale oo uu qaatay shahaadooyin iyo dibloomooyin badan oo uu ku mutaystay saxaafadda, waxbarashada, daraasaadka horumarineed, iyo xiriirka caalamiga ah, kuwaa oo uu ka kala qaatay Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed, Jaamacadda Princeton, Jaamacadda London (SOAS), Jaamacadda Missouri St. Louis, iyo Jaamacadda Harris Stowe State ee St. Louis. Soomaaliya waxa uu ku shaqeeyay xirfado kala duwan oo ay ka mid yihiin macallinnimo, manhaj diyaariye, Agaasimaha guud ee Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed, iyo Agaasimaha Qorshaynta iyo Tababbarrada ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyeed. Waxa uu Daraasaadka Afrikaanka ka dhigay Akadeemiyada Sayid Maxamad Cabdille Xasan ee Muqdisho. Maraykanka waxa uu St. Louis Public Schools ka ahaa macallin soo saara manhajka ardayda laba-luqadlayaasha ah, waxaa kale oo uu casharro la xiriira Warbaahinta Caamka ah ka dhigi jiray Jaamacadda Webster ee St. Louis.

 

Reviews

There are no reviews yet.

Be the first to review “Kalahaadkii Muqdisho”

Your email address will not be published. Required fields are marked *