Skip to content Skip to footer

Xeerka SML 2020

SML waa Dallad horumarinaysa dadka iyo deegaanka soomaaliyeed. Waa Dallad dhalinyaro soomaaliyeed aasaastay oo qowmi ah kana hawlgalaysa dhamaan deegaan weynaha soomaaliyeed. Ujeedka Dalladdu waa horumarinta Afka hooyo, kobcinta akhriska iyo qoraalka, dhiirigelinta wax soo saarka, tabaca iyo isku tashiga. Sare u qaadida wacyiga bulshada, xalinta khilaafaadka, xoojinta isku xirnaanta iyo midnimada ummadda
soomaaliyeed.

Hiigsiga Dalladdu waa dabargoynta JAHLIGA iyo FAKHRIGA. Aragtida Dalladu waa deegaanka soomaaliyeed oo NABAD iyo BARWAAQO ah.
Habraacyada horumarinta bulsho ee SML waa maalgashiga horumarin Bulsho ee DANGUUD iyo ISKAA WAX U QABO Wadaaga iyo ku shaqaynta wadaniyada, iskaashiga iyo wax wada qabsiga ku dhisan xeerarka iyo tashiga waa abuurka cusub ee inoo horseedi doona wax wada qabsi ku qotoma niyadsami, kalsooni iyo isku tashi looga faaiideysto wakhtiga, aqoonta, khibradaha iyo teknoolajiyada casriga ah. Raadinta aqoonta lagama maarmaan ka u ah caqabad walba waa hab dhaqanka SML ay ku joogteyso tayo shaqo oo dhaxal gal ah.

SML waxay weelaynaysaa khibradaha, waayoaragnimada iyo aqoonta ay soo waarideyso GLOSOM oo jaal la ah SML, ahna Dallad dhalinyaro soomaaliyeed oo ka dhisan qurbaha. Sidookale SML waxay iba furaysaa aqoonta, farsamada, halabuur ka iyo kartida dhalinyarada soomaaliyeed ee
Dhulka Hooyo ku nool si loo kobciyo wax soo saarka loona unko dhaqan shaqo oo horseeda shaqo abuur iyo wax soo saar ummadnimo oo lagu tanaado tusaale na u noqda isku filnaasho umaddeed oo waarah.

Waa iskaashiga cilmiga, kartida iyo aragtida fog ku dhisan ee dadka soomaaliyeed ee dibedda (Diaspora) iyo kuwa Dhulka Hooyo ku nool ay ku mideysan yihiin si loo unko isku tashi dhab ah oo karti, hufnaan, cadaalad iyo maamul wanaag ku dhisan lehna hiigsi fog oo dhaxal gal u ah jiilasha
danbe ee Soomaaliyeed. Waa abuurka bulsho leh dhaqan shaqo oo ka dab qaadanaya waaya aragnimo caalami ah iyo midda Dhulka Hooyo oo la
cilmiyeeyay.

XEERKA OO DHAMAYSTIRAN (linkigan) hoose KASOO ROGO, FURAHA SI AAD U HESHID [email protected] fariin usoo dir 

https://moqor.com/wp-content/uploads/2022/02/XEERKA-SML-2020-kopia-Copy.pdf

Xiriirka SML

[email protected]

 

Leave a comment